Dhageyso Laba Wajiillenimada Cali Takfiir Iyo Been Abuurka Dagaalada Ka Socda Shabeelada Hoose

Kaaba Mooryaan Cali Nuure Maxamed (Takfiir) oo ah mid ka mid ah dhagarqabayaasha gacmaha ku sita Mindiyadii ay ku dooxeen Maatida Beesha Biimaal ayaa si ay ku jirto laba Wajiillenimo ah uga hadlay dagaallo saacadihii lasoo dhaafey ka dhacay Gobolka Shabeelada hoose.

Cali Takfiir ayaa marka hore sheegay in dagaallo ay ka dhaceen Ceelwareegow ilaa Nambar 50 oo qaarkood uu sheegay inuu u dhaxeeyey Beello, taas oo boos aan ku filneyn uu uga raadinayo Mooryaanta Beeshiisa ee sanado ka hor ku jabey dagaallo ay la galeen Ciidamada deegaanka.

Kaaba Mooryaankan aan ka xishoon Beenta ayaa sheegay in deegaanka Saliini lagu dileyt Haweeney sida uu tilmaamey dilkeedana uu qeyb ka ahaa aanooyinka qabiil ee ka jira Gobolka Shabeelada hoose.

Waxa uu dafirey awooda Ciidamada Maamulka Nambar 50 ay u yeesheen inay difaacaan dadkooda iyo deegaankooda, waxaana Ciidamadaas uu ku sheegay kuwo horey xiriir ula lahaa Alshabaab oo markii dambe ka horyimid, isagoo iska indha tiray Mooryaanta Beeshiisa ah ee lagu ilaalanayo Beeraha xoogga looga qaatey Shacabka Gobolka Shabeelada hoose.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE