Dhageyso Madaxweyne Ku Xigeenka K/galbeed “Nabad Diidka Shabaab Dhibaatada Ay Ku Hayaan Shacabkeenna Horaa Loogu Fashilmey”

Madaxweyne ku xigeenka Maamulka K/galbeed ahna Wasiirka Wasaaradda Beeraha ayaa waxa uu si adag kaga hadlay dagaallo saacadihii lasoo dhaafey ka dhacay qeybo ka mid ah Shabeelada hoose.

Maxamed Xasan Fiqi ayaa marka hore is dul taag ku sameeyey duullaanno iyo isku dayo horey leysugu dayey in lagu barakiciyo qaar ka mid ah Shacabka ku dhaqanka Gobolka Shabeelada hoose, waxaana uu sheegay in dhamaan duullaanadii gardarada ah ay fashilmeen iyadoo wajiyo kala duwan lagu weeraray deegaanka.

Waxa uu dhabarka u ritey eedda Maamulka K/galbeed kasoo gaareyso dagaalada Shabeelada hoose ka socda iyo sababta keentey in ay ka gaabiyaan wax ka qabashada dhibaatada jirta, waxaana dhankiisa arimahaas uu ku eedeeyey dowlada fedaraalka oo gacma qabatey Maamulka Koonfur galbeed.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE