Dowladda Soomaaliya Oo Amaro Kusoo Rogtey Mid Ka Mid Ah Shirkadaha Diyaaradaha Ee Ka Dega Garoonka Magaalada Jowhar

Dawlada Federaalka Soomaaliya ayaa gabi ahaanba shaqadii Duulimaad ee Shirkadda RUDUFU oo laga leeyahay dalka Kenya ay ku iman jirtay Soomaaliya ka joojisay magaalada Jowhar.

Amarka looga joojiyay shirkada oo diyaraadaheedu ay Qaad keeni jireen Soomaaliya, ayaa ah ka dib markii ay u hogaansami wayday Amarada dawlada, ayna dka dagtay degmada Jowhar.

Waxaa dawlada Soomaaliya ay sheegtay in haddii shirkadda RUDUFU, ay u hogaansami waydo amarka dawlada ay dawladu qaadi doonto talaabo kale.

Dawlada Soomaaliya iyo maamulka Hirshabeele ayaa isku khilaafsan arrimaha Qaadka, ka dib markii Qaadkii iman jiray Muqdisho ay Ganacsatadu u weeciyeen garoonka Jowhar, ka dib markii Cabshuurta lagu saayidiyay.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran