Ibraahin Cali Xaaji Oo Caawa Helay Fursaddii Ugu Horeysay Ee Uu Kaga Guuleystey Dadka Siyaasaddiisa Dhaliilsan, Ka Dib Jahawareer In Mudda Ah Uu Ku Jirey (Warbixin)

Ibraahin Cali Xaaji oo ah shakhsi galaangal ku leh Siyaasadda Beesha Biimaal islamarkaana Geed fadhi u noqdey Siyaasiyiinta Beesha ayaa bilooyinkii u dambeeyey ku jahwareersanaa Magaalada Muqdisho.

Ka dib doorashadii Madaxweyne Farmaajo oo Miiska Siyaasadda ay soo fuuleen koox wajiyo cusub ayaa Ibraahin Cali Xaaji waxa uu waayey saaxiibo badan oo ku naas nuujinayey Madaxdtooyada Villa Soomaaliya oo laga maleegi jirey makriga Umadda Soomaaliyeed gaar ahaan Shacabka Beesha Biimaal.

Shakhisigan ayaa dadka uu ku waayey guul daradii Xasan Sheekh ku dhacadey waxaa ka mid ahaa Cabdalle Xuseen Cali Wasiir ku xigeenkii Wasaaradda Gaashaandhigga oo fududeyn jirey kulamada Xasan Sheekh iyo Ibraahin, halka kooxdii Damu-jadiid ay Ibraahin u haaysteen Nin fulin kara danaha ay ka leeyihiin Shabeelada hoose.

Sida la aaminsanyahay Wasiirka iyo Wasiir ku xigeenka Beesha Biimaal ee dowlada dhexe ayaa waxa jira kala aragti duwanaan qaabka uu wax u wado Ibraahin Cali Xaaji iyo dagaal siyaasadeed oo uu la galay labada Siyaasi ee ku kala fadhiya Kursiga Wasiirka iyo Wasiir ku xigeenka, markii uu socdey loolankii lagu raadsanayey Wasiirada markaas oo Ibraahin uu watey shakhsiyaad kusii haayn kara Suldaanimada uu boobey.

Inkastoo marka si hoose loo dhuuxo Wasiir ku xigeenka uu yahay nin ka hoos shaqeeya xisbigiisa ayaa waxa adkaatey sida dad badan ay aaminsanyihiin in Wasiir Sheekh Nuur Maxamed Xasan  iyo Cabdulaahi Awyare ay siyaasaddiisa ka iibiyaan Madaxtooyada.

Warar kala duwan oo soo gaarayey Markacadey ayaa sheegayey in jahwareer xun uu ku dhacay Ibraahin Cali Xaaji oo Irdaha ay ka xirteen Madaxda Cusub, waxaana uu waayey shakhsi suurta gelin kara in mar uun uu la kulmo Madaxweynaha ama Ra’isalwasaaraha midkood.

Ka dib kulan uu Balanteeda soo qabtey Xildhibaan Nadiir ayaa waxa qeyb ka noqdey Ibraahin Cali Xaaji oo fursaddii ugu horeysay ku helay in isagoo sheeganaya Suldaanka Beesha Biimaal uu horfadhiisto Madaxweynaha iyo Ra’iisalwasaaraha dalka, waana tan caawa uu kaga guuleystey dad badan oo kasoo horjeedey siyaasaddiisa makriga iyo dulmiga ku dhisan.

Lama oga waxa uu soo kordhin karo la kulanka Madaxweyaha iyo Ra’isalwasaaraha hase ahaatee waxa hubaal ah in kooxda Villa Soomaaliya aaney fursado badan siineyn qab qablayaasha iyo dadka ku sifowba musuqmaasuqa.

Waxaana tani ay noqon doontaa hadii sida uu rabo uu ka yeesho Villa Soomaaliya, mid mugdi badan uus oo wajaho mustaqbalka Beesha Biimaal oo sanadihii lasoo dhaafey u afduubnaa kooxo gaar ah oo Muqdisho saldhigtey.

Ugu dambeyn waxa dhaawac weyn uu soo gaaray Siyaasadda Beesha Biimaal ee magaalada Muqdisho, halka najaxaad ay dareemayaan xisbigii sharta ahaa ee ku isgtey in uu kala daato.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE