Kulan Dhowr Saacadood Qaatey Oo Ay Wada Yeesheen Madaxweyne Farmaajo Iyo Waxgaradka Beesha Biimaal Oo Warbixin Xasaasi Ah Laga Soo Saarey

Kulan saacado badan qaatey ayaa maanta xarunta Madaxtooyada waxa uu ku dhex marey Madaxweynaha dowlada Fedaraalka ee Soomaaliya iyo Waxgaradka Beesha Biimaal oo ay wehlinayeen Xildhibaano ka tirsan dowlada dhexe.

Kulankan oo muhiim u ahaa Beesha Biimaal ayaa dadka laga xusi karo ee ka qeyb galey waxa ka mid ah Xildhibaanada : Xildhibaan Nadiir, Xildhibaan Xuseen Cali Xaaji, Xildhibaanad Aamina Sheekh Cusmaan, Xildhibaan Maxamed Soomaali iyo Xildhibaan Cabdulaahi Sheekh Cusmaan.

Odayaasha oo magacyadooda aan wada helin ayaa waxa ka mid ahaa Ibraahin Cali Xaaji, Ugaas Axmedey Siidcali, Awyare Abshirow, Sheekh Maax, Dr Maadey Cabdow iyo Odayaal kale oo magacyadooda aan helnay hase ahaatee aan ka gaabsaney sii baahinta magacyadooda.

Sida warbixinta aan ku heleyno shirka ayaa waxa intiisa badan ka hadley Odayaasha iyo Siyaasiyiinta Beesha Biimaal, waxaana ay ka hadleen dhibaatada iyo dagaalada ay Beesha ku jirtey Shantii sano ee lasoo dhaafey.

Qodobada lagala hadlay Madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa waxa ka mid ah

1-Dagaallo shantii sano lasoo dhaafey ka socdey deegaano ka mid ah kuwo ay degto Beesha Biimaal.

2-Duullaanka Wajiyada Badan ee Beesha Gobolada dhexe ay ka wadaan Gobolka Shabeelada hoose.

3-Gacan qabadkii Dowladii Xasan Sheekh ku sameysey Beesha Biimaal, iyo tagaeerada Mooryaanta soo duushey.

4-Duulaanada loo adeegsaday Guutooyinka ay hogaamiyaan horjoogayaasha Habargidir ee sida Beeleedka loogu magacaabey xilal aanay u qalmin

5-150 Askari oo laga qarameeyey Ciidamada deegaanka oo Abaanduulahii Ciidamada dowlada Cali Baashi ee xilka laga qaadey uu lunsadey dhaqaalihii iyo Saadkii loogu talagalay.

6-Duulaanka Maleeshiyada Alshabaab ee dagaalada iyo barakaca aan kala joogsiga laheyn ku haaya qaar ka mid ah Deegaanada Beesha Biimaal, iyo qodobo kale oo ay soo gudbintooda aan kaa gaabsaney.

Odayaasaha halkaasi ka hadlay ayaa Madaxweyne Farmaajo weydiiyey sababta ka dambeysa in Saraakiil Gobolada dhexe kasoo jeeda inta badan loo diro Shabeelada hoose iyagoo fulinaya ujeedooyinka Beeshooda oo xoog ku haaysata dhul beereed badan oo ku yaalla Gobolka.

Sidoo kale Odayaasha Beesha Biimaal u gudbiyey in Afartii Sano ee lasoo dhaafey Dowladii tan ka horeysey ay si buuxda u tageertey duullaanada lagu qaadey Gobolka oo Beesha dhul boob ay adeegsatey Gaadiid iyo hubkii ay dowlada kula dagaalameysey cadowga Soomaaliya.

Dhinaca horumar la’aanta ayey waxgaradku sheegeen in Shacabka Shabeelada hoose ay wax gargaar ah u sameyn ama waxqabad islamarkaana laga hor istaagey inay waxqabsadaan, waxaana ay codsadeen in dowlada Soomaaliya ay cadeyso waxa ay kaga duwantahay dowladii dhibaatada badey Shacabka.

Arimaha dagaalada cusub ayaa Waxgaradka waxay tilmeemeen in Beesha Biimaal isku day kasta ee lagu sameeyey laakiin markii ay wax soo kordhin waayeen Mooryaantii xoogga ku haaysatey ay heshiisa la galeen Maleeshiyada Shabaab oo ay kula heshiiyeen dhaqaalo ay ka qaataan Beeraha Gobolka ee xoogga lagu haaysto iyo Shabaabku inay difaacaan dhul beereedka.

Dagaaladii ugu dambeeyey ayey sheegeen in Ciidamada Maamulka Nambar 50 ay muujiyeen awoodood ay weli u lahaan karaan dagaalada Maleeshiyada Alshabaab, waxaana ay dhaliilo usoo jeediyeen Dowlada oo weli ka jawaabi la’ duullaanka Alshabaab.

Hadal badan oo qoraal aan lagu soo koobi Karin ayaa waxa loo gudbiyey Madaxweynaha dowlada Fedaraalka ee Soomaaliya, iyadoo shirka markii dambe uu kusoo biirey Ra’isalwasaaraha xukuumada Xasan Cali Kheyre.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa marka hore amar siiyey Ra’isalwasaaraha Xukuumadda Soomaaliya in sida ugu dhaqsiyaha badan uu kusoo cadeeyo halka uu ku baxey dhaqaalaha loogu talagaley Ciidamad Ururka Socdaal oo uu lunsadey Abaanduulihii xilka laga qaadey ee Cali Baashi islamarkaana uu dib u saxo qaladaadka xagaasi ka jira.

Mudane Farmaajo ayaa markale ku celiyey in Beesha Biimaal ay dhici doonin in lagu barakiciyo Saanadda dowlada ama uu duullaan ku qaado Askari dowlada ka amar qaata, waxaana uu balan qaadey in ay xakameyn doonaan duullaanada ku saleysan habka dhul ballaarsiga isagoo dhanka kele sheegay in wada noolaashaha iyo is dhaxgalka aanu aheyn in lesyku duullo.

Waxa uu meesha ka saarey in dowlada uu madaxweynaha ka yahay ay qaaddo tallaabo la mid ah tii ay qaadey dowladii ka horeysay hase ahaatee ay saxi doonto wixii qaladaad ee horey u dhacey, waxaana uu soo dhaweeyey in dgaal lagala hortago Sharwadayaasha Shabaab oo uu ku sheegay Ninkii Umada ka badbaadiya ay dowladda siin doonto waxa uu muteystey.

Mar uu ka hadlay arimaha magaalada Marka ayuu Madaxweynuhuu sheegay in ay ogtahay dowlada cidda halkaasi gacanta ku haaysa iyo cidda ka talisa, waxaana uu tilmaamey in qorshayaal ay dejisey dowlada ayna qaadi doonto tallaabo lagu badbaadinayo mustaqbalka magaala Madaxda Gobolka Shabeelada hoose e Marka.

Ugu dambeyn Madaxweynaha jamhuuriyadda Fedaraalka ee Soomaaliya ayaa Waxgaradka iyo siyaasiyiinta Beesha Biimaal u sheegay inay dowlada Soomaaliya ku garab istaagaan xal u heledda Xaaladda murugsan ee Gobolka Shabeelada hoose.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran