Shir Loogu Gogol Xaarayo Shirka Ka Dhici Doona Landan Oo Ka Furmay Magaalada Muqdisho

Shir loogu gogol xaarayo shirka ka dhici doona Landon ee dhacaya 11-ka bishan ayaa maanta ka furmaya Magaalada Muqdisho, kaasoo ay yeelan doonaan dowladda Soomaaliya iyo wadamada iyo Ururada caalamiga ee taageera Soomaaliya.

Shirkan oo ka dhici doona Xarunta Xalane ayaa waxaa ka qeyb geli doona madaxda dowladda, Qaramada Midoobey, Midowga Yurub iyo Mas’uuliyiin ka socota dowladda Britain.

Wararka qaar ee la helayo ayaa sheegaya in Wasiirka Arrimaha Dibadda Jarmalka Sigmar Gabriel uu shirka maanta dhacaya ka qeyb geli doono, kaddib markii safar shalay uu kusoo gaaray magaalada Muqdisho.

Shirkan ayaa sida la aaminsanyahay waxa lagu gaarayaa heshiisyo quseeya iskaashiga Caalamiga ee Soomaaliya iyo Beesha Caalamka, waxaana lagu diyaarinayaa dhamaan heshiisyada lagu saxiixi lahaa shirka London.

Dowladda Soomaaliya iyo Beesha Caalamka ayaa lagu wadaa inay is faham ka gaaraan qorshayaasha lala tagayo shirka London, gaar ahaan siyaasadaha horumarineed ee muhiimadaha koowaad la siinayo sanadaha soo socda

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran