Wararkii Ugu Dambeeyey Doorashada Magaalada Cadaado Iyo Musharaxiinta Oo Ku Jira Saacadihii Ugu Dambeeyey Ee Ololahooda

Magaalada  Cadaado ayaa ka socota Diyaar Garowgii ugu dameeyay ee Doorashada Madaxwaynaha Galmudug, Waxaana Xiligan ka socda Olole xoogan oo u dhexeeya musharixiinta Madaxweynaha Galmudug.

Dadku labo labo ayeey wax isu weydiinayaan sida loo kala horeeyo Saadaasha, xogaha hoose, dadka kulmaya iyo dhaq dhaqaaqa xildhibaanada iyo musharixiinta.

Hadaba Musharixiinta Madaxweynaha Galmudug u taagan Maxay  kala yihiin ?

1-Axmed Ducaale Geelle Xeef : Waa Nin si weyn loogu yaqaano Shabeelada hoose waxa lagu xasuusan doonaa dhiigii faraha badnaa ee uu ku daadiyey inta u dhaxeysa Afgooye iyo Nambar 50, si uu xoog ugu qabsado Garoonka Km 50, waxaa uu soo noqday xildhibaan baarlamaan dowladdihii kala danbeeyay ee Soomaaliya soomaray .

2- Cabdiqaadir Maxamed Shirwac:  Waxa Aqoonyahan soo noqday bare jaamacadeed , waxaa uu bare kasoo noqday Jaamacada Lafoole, burburkii dalka kadib waxaa uu ka mid ahaa asaasayaashii Galmudug, Gaalkacayo waxaa uu ka hirgeliyey Jaamacada GU oo ay wax ku bartaan ardey kasoo kala jeeda labada qaybood ee magaalada koonfur iyo waqooyi.

3- Axmed Shariif Cali Hilowle: Waa ninka ugu dhalinyar saddexda musharax, hore waxaa uu isugu sharaxay Madaxweynaha Galmudug 2008-dii , doorashadii kala qaybisay baarlamaankii xiligaasi ee Galmudug, markii danbe ee uu Maxamed Axmed Caalin uu Madaxweyne noqday, waxaa uu Axmed Shariif u wareegay Muqdisho halkaasi oo laga dhigay maareeye ku xigeenka Dekadda Muqdisho.

Saddexda musharax waxay haatan ku jiraan saacadihii ugu danbeeyay ee ololahooda doorasho, waxaana kala saari doona Baarlamaanka oo ka kooban 89xildhibaan oo 7-ka mid ah dumaryihiin. Doorashada Madaxweynaha Galmudug waxay dib u dhacday dhowr jeer , oo mararka qaar ay sabab u ahayd arrimo farsamo iyo rajo heshiis lala galo Ahlu Sunna, sikastaba ugu danbeyn waa laga fursan waayey in doorashada la qabto, wixii kalena dib loo dhigto.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE