Xildhibaan Abuukar Xuseen Oo Iska Casiley Xubinnimadii Gudiga Abaaraha K/galbeed, Ka Dib Musuq Maasuq iyo Isdaba Marin Ay Sameeyeen Wasiir Madoobe Nuunow Iyo Wasiir Maxamed Xasan Fiqi

Xildhibaan Abuukar Xuseen oo ka mid ah Xildhibaanada Maamulka K.galbeed dhawaanna lagu darey Gudiga Gurmadka Abaaraha ayaa iska casiley Xubinnimadii Gudiga.

Xilhdibaanka oo Todobaadyadii lasoo dhaafey ku sugnaa magaalada Muqdisho ka dib markii loosooo xil saaray Raashiin Gargaar loogu talagalay Shacabka Degmada Nambar 50, ayaa ugu dambeyn waxa la sheegay in lacagaahaas ay lunsadeen Xubnaha ugu sareeya Gudiga Abaaraha.

Lacag Sideed kun iyo Seddax boqol oo doolar ($8300) oo loogu talagalay degmada Awdheegle iyo deegaanada hoose yimaada ayaa waxa lunsadey Madoobe Nuunow iyo xubno kale oo kula jira Gudiga Gurmadka, waxaana lacagaha doodaha ay dhaliyeen ay keentey in Xubinnadii Gudiga uu iska Casilo Xildhibaan Abuukar Xuseen.

Mas’uuliyiinta ka tirsan Maamulka K/galbeed oo horey u lunsadey lacago Gargaar oo loogu talagalay dadka ay Abaarta ku haayso degmooyinka kala ah Afgooye, Kuntuwaarey, Sablaale iyo Awdheegle ayaa dhamaan lacagahaasi waxa loo adeegsadey qaabab ay ku qancin Xildhibaanada qaar ee Maaamulka ku jira hase ahaatee ay waayeen cid ay uga dacwoodaan.

Xildhibaan Abuukar Xuseen iyo Xildhibaan Maxaad Maxamed Ciise oo ku dhawaad Labaatan Maalmood Muqdisho u joogey inay qaadaan lacagaha Gaargaarka ee degmada Nambar 50 islamarkaana deganaa Hotel Raas ee ku yaalla magaalada Muqdisho ayaa lagu wargeliyey in ay ka guuraan Hotelka ayna ku laabtaan magaalada Baydhabo oo markii hore ay ka yimaadeen.

Eedeymaha culus ee ku aadan musuqmaasuqa iyo lunsashada lacagaha Gaargaarka ayaa waxay ku dhacayaan Gudoomiyaha Gudiga Gurmadka Abaaraha iyo Madaxweyne ku xigeen Maamulka K.galbeed Maxamed Xasan Fiqi oo leh awooda Gudiga, waxaana xubnahan ay iska indha tireen baaqyo ay horey usoo jeediyeen Dadka ay abaarta haayso.

Tallaabada uu isku casilay Xildhibaan Abuukar Xuseen ayaa waxa loo qaadan karaa mid Geesinima leh ka dib markii uu u dul qaadan waayey musuqmaasuq iyo maamul xumida Gudiga Abaaraha xilli Shacab badan ay la dhibtoonayaan duruufta iyo diifta Abaarta.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran