Gudiga Gurmadka Abaaraha K/galbeed Oo Caawa Gaaray Magaalada Nambar50 Ee Gobolka Shabeelada Hoose

Gudiga Gurmadka Abaaraha Maamulka Goboleedka Koonfur galbeed ayaa gelinkii maanta waxa ay gaareen Degmada Nambar 50 ee Gobolka Shabeelada.

Wafdiga oo uu hogaaminayo Wasiir Madoobe Madoobe Nuunow Maxamed ayaa ka kooban Xildhibaano, Wasiiro iyo Maamulka Gobolka Shabeelada hoose, waxaana ka mid ah xubnaha laga xusi karo Wasiir Maclin Jiis, Xildhibaan Maxaad Maxamed Ciise iyo Gudoomiyaha Gobolka Shabeelada hoose Ibraahim Najax.

Sida ay noo sheegeen Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Nambar 50, Gudiga ayaa halkaas gaarsiiyey lacag loogu talagalay in lagu iibiyo raashiin gar gaar oo loo qeybiyo dadka ay abaarta saameysay ee ku dhaqan Nambar 50 iyo nawaaxigeeda.

Lacagaha loogu talagalay gargaarka deegaanada Nambar 50 hoos yimaad oo tira ahaan aan weli la helin ayaa warar soo baxaya waxa ay sheegayaan in ay gaareyso ilaa shan kun iyo seddax boqol oo doolar ($5300) oo lagu iibin doono Raashiin si dadka loogu qeybiyo.

Gudiga Gurmadka Abaaraha K/galbeed oo ku eedeysnaa in uu lunsadey lacago badan oo loogu talagalay in wax loogu qabto dadka ay baaraha saameeyeen ayaa markan qaaday tallaabadii ugu horeysay oo loogu gurmanayo Shacabka Nambar 50 ku dhaqan.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran