Nin Dhalinyara Ah Oo Gelinkii Dambe Ee Maanta Lagu Diley Magaalada Marka

Wararka ka imaanaya magaalada Marka ee xarunta Gobolka Shabeelada hoose, waxaana maanta gelinkii dambe halkaasi lagu diley wiil dhalin yara ah oo ka mid ahaa dadka deegaanka.

Dilka oo dhacay Casir liiqii Maanta ayaa sida wararka ay nagu soo gaarayaan ka dhacay meel ku dhow isbitaalka Magaalada Marka, halkaas oo lagu toogtey wiilkan dhalin yarada ah.

Wiilkala dilay oo magaciisa lagu soo koobay Cabdulaahi ayaa waxa dilkiisa ka dambeeya Mooryaanta Habargidir ee sida xoogga ah ku saaran dhismaha Iimaan Center oo ku yaalla bartamaha magaalada Marka, waxaana ay toogteen xilli wiilkan uu maraayey meel u dhow dhismaha.

Mooryaanta ku go’doonsan qeybo ka mid ah magaalada Marka ayaa xilliyada qaar sameeya toogasho ay ka geystaan meel ka baxsan dhismayaasha ay xoogga ku saarayihiin, waxaana toogashadaas u saacideysa dhismayaasha ay haaystaan.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran