Akhriso Qodobada Golaha Wasiirda Xukuumadda Soomaaliya U Coskadeed Xilka Qaadista Hanti Dhowraha Guud Ee Qaranka

Golaha Wasiirada xukuumadda Fedaraalka ee Soomaaliya ayaa kulan deg deg an oo caawa ay ku yeesheen magaalada Muqdisho xilkii uga qaaday Hanti dhowraha guud qaranka Nuur Faarax Jimcaale.

Xilkan ayaa waxa si kumeel ah u heyn doona ku xigeenkiisa, waxaana Golaha Wasiirada xilka ka qaadista Nuur Faarx Jimaacle ay u cuskadeen afar qodob laba ka mid ah qodobada ay cadeenayaan mas’uuliyadda darida uu ku dhaqmay hanti dhowraha, waana qodobada 2 iyo 3.

Qodobka labaad ee ku jira afarta qodob ayaa cadeenaya in hanti dhowraha uu ka dhaqaaqey marxuumka ay dileen ilaaladiisa islamrkaan aanu wax jixinjix ah ka galin dilka ula kaca ah ee loo geystey Muwaadin Soomaaliyeed, qodobka seddaxaad Nuur Faarax ayaa wareysi uu seeyey VOA ku sheegay in Wasiirka uu ku dhintey shil ka dib isku dhac dhex maray ilaalo ay kala wateen, waana Been abuur uu ku kacay hanti dhowraha.

1– Guddiga Baaritaanka waday oo ugu horeyn dalbaday in xasaanada laga qaado, taasoo sababtay in xilka laga qaado.

2- in isagoo Mas’uul ah aanu u gurman markii falku dhacay Wasiirkii la dilay, isla markaana marka dhibka dhacay uu gaarigiisa goobta ka dhaqaaqay.

3- Wareysigii uu siiyay Idaacada VOA oo lagu tilmaamay inay aheyd mas’uuliyad darro iyo inuu ka hor-dhacay baaristii socotay, kuna tilmaamay wixii dhacay inay ahaayeen askar is rasaaseysay, uuna Wasiirka ku dhintay qaab shil, sidaas darteedna Guddiga baaritaanka waday ay soo bandhigeen cadeymo muujinaya in hal xabad kaliya ay dhacday, oo aheyd tan lagu dilay Wasiir Cabaas.

4- in askariga dilka geystay oo ka mid ahaa Ilaalada Hanti dhowrka Guud Qoriga uu wax ku dilay uusan aheyn mid sharciyeysnaa, isla markaana qorigiisa uu meel kale jiray.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE