Deg Deg Dagaal Culus Oo Caawa Lagu Soo Qaadey Degmada Nambar 50 Ee Gobolka Shabeelada Hoose

Wararka caawa naga soo gaaraya Degmada Raaxoole Ex Nambar 50 ee Gobolka Shabeelada hoose ayaa ku waramaya in halkaas caawa dagaal lagu soo qaadaey.

Dagaalka oo dhacay 8:50 pm fiidnimo ee Caawa ayaa wararka aan heleyno waxa lagu soo qaadey degmada, waxaana laba jiho kasoo weeraray maleeshiyaad ka tirsan kooxda Alshabaab, waxaana rasaas culus ay ka dhacdey qeybta koonfureed ee magaalada gaar ahaan halka uu ku yaallo Iskuulka oo xiga dhinaca Shirkadda Nation, halka weerarka labaad uu ka dhacay Koonfur Bari gaar ahaan halka uu ku yaallo MCH-ka magaalada.

Dad ku usgan Deegaanka oo aan la xiriirnay ayaa waxay noo sheegeen in weerarka uu aad u cuslaa ay Maleeshyada Shabaab u adeegsadeen qoryaha RPG-ga iyo PKM, waxaana weerarkaas ka hortagay Ciidamada Maamulka.

Weli macadda khasaaraha ka dhashay weerarka caawa lagu soo qaaday degmada Nambar 50, hase ahaatee waxa la xaqiijiyey in maleeshiyadii weerarka soo qaaday lagu jabiyey weerarka, waxaana hadda saacadda ay tahay 9:50 pm ay rasaas goos goos ah ka socotaa wadada dheer ee laamiga.

Wixii warar ah ee kusoo kordha halkan ayaan kusoo gudbindoonnaa insha alllah

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE