Dhageyso Gudoomiye Cabdulaahi Waafo Oo Faafaahin Ka Bixiyey Weerarkii Naflacaarinamada Ahaa Ee Caawa Lagu Soo Qaaday Deg Nambar 50

Gudoomiyaha Degmada Raaxoole Ex Nambar 50 Ee Gobolka Shabeelada hoose Cabdulaahi Cali Axmed Waafow ayaa faafaahin waxa uu ka bixiyey weerar caawa lagu qaaday Xaafado ka tirsan Degmada.

Weerar u muuqday mid ay hareysay Baqdin ayaa Maleeshiyaad ka tirsan kooxda Alshabaab waxay kusoo qaadeen Degmada Raaxoole Ex Nambar50, waxaana Gudoomiyaha uu sheegay in jab xoog badan uu ka raacaiyey Maleeshiyadii weerarka soo qaaday.

Dhinaca kale waxa uu sheegay in ay Ciidamada Maamulka ay baacsanayaan maleeshiyaadka oo ku baxsadey wadada dheer laamiga gaar ahaan, dhinaca Buushka, waxaana uu intaa hadalkiisa uu raaciyey in faafaahino ay ka bixin doonaan marka uu waaga baryo.

Wararka la xiriira khasaaraha dagaalka uu sababay ayaa ilaa hadda waxaana jirin askari ku dhaawacmay Weerarka, mana jiro cid xaqiijin karta khasaaraha Shacabka, maadaama xilliga uu habeen yahay islamarkaana ay aad u yartahay in helo faaafaahinno kugu filan.

 

 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE