Golaha Wasiirada Xukuumadda Soomaaliya Oo Si Deg Deg Ah Xilka Uga Qaadey Hanti Dhowrka Guud Ee Qaranka

Golaha Wasiirada xukuumadda Soomaaliya oo caawa kulan deg deg ah ku leh Madaxtooyada Villa Soomaaliya ayaa xilkii ka qaadey Hanti dhowraha guud ee Qaranka Nuur Faarax Jimcaale oo xalay ilaaladiisa ay toogteen Wasiirka ka tirsan Xukuumadda Soomaaliya.

Wasiirada oo weli kulankooda uu ka socdo Madaxtooyada ayaa xil qaadista ay ku sameeyeen Dr Nuur Faarax Jimcaale ka dib markii lagu helay in ilaaladiisa ay dil bareer ah u geysteen Wasiir Cabaas Cabdulaahi Sheekh Siraaji oo maanta lagu aasay magaalada Muqdisho.

Hanti dhowraha guud ee Qaranka oo Wareysi siiyey Idaacadda VOA ayaa si mas’uuliyadi ku jirin uga hadlay dilka ilaaladiisa ay u geysteen Wasiirkii Wowlaha guud, waxaana hanti dhowrka uu sheegay in isku dhac ciidan uu ku dhintey, warkaas oo been abuur ahaa.

Shirka oo weli socda ayaa waxa laga yaabaa in laga soo saaro amaro khuseeya xaaladda Amni ee magaalada Muqdisho, oo sida la aaminsanyahay aan leysku heleynkarin, waxaana dilkii xalay uu cadeeyey dayaca isku haleyn la’aanta xagga amniga ee Muqdisho ka jira.

 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE