Gudiga Gurmadka Abaaraha K/galbeed Oo Maanta Lacago Ka Qeybiyey Degmada Nambar 50 Ee Gobolka Shabeelada hoose

Gudiga Gurmadka Abaaraha Maamulka Goboleedka K/galbeed ayaa maanta lacago gaar gaar ah waxay ka qeybiyeen Degmada Nambar 50 ee Gobolka Shabeelada hoose.

Lacagahan oo loogu talagalay in loogu gargaaro dadka ay abaarta haayso ayaa Gudiga waxa uu halkaas geeyey lacag dhan shan kun iyo lex boqol oo doolar ($5600), oo saami haan loogu talagalay degmada iyo Nawaaxigeeda.

Sida uu ahaa qorshaha Gudiga lacagaha abaaraha ayaa waxa lagu iibiyaa Raashiin si dadka loo gaarsiiyo, waxaana taasi wax ka bedalay xaaladda ka jirta deegaanka iyo go’doonka ay ku suganyihiin Shacabka maadaama wadooyinkii raashiinka lagu keeni lahaa ay xiranyihiin.

Maamulka iyo Gudiga Abaaraha ayaa isla qaatay in lacago ahaan loo bixiyo, waxaana maanta ka faa’ideystay dad gaaraya 1120 qof oo ka mid ah dadka deegaanka waxaana qof walba uu helay lacag gaareysa shan doolar ($5).

Maadaama ay baahida ka jirta deegaanka ay tahay mid aad u xun ayaa maamulka, waxa uu kala sooci waayey shacabka, taas oo sida ay sheegeen maamulka keentey in qof walba uu calafkiisa qaato, waxaana lacagaha gacantiisa ku bixiyey Gudoomiyaha Gobolka Shabeelada hoose Ibraahim Najax oo Gudiga ka mid ah.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE