Kooxda Culimada Tabliiqa Yaa Asaasay, Halkayse Ka Yimadeen? W/Q Cabdilaahi Cabdi Muuse

Urur-diimeedkan tabliiq waxa la aasaasay sannadkii 1926. Waxaana laga bilaabay dalka Hindiya, Pakistaan iyo Bangaladhesh. Ninkii aasaasay waxa la odhan jiray Sh. Max’ed Ilyaas Al-kandahlawi. Wuxuu ku dhashay dalka Hindiya sannadkii 1872.

Wuxuu ku barbaaray dalka Hindiya, ilaa yaraantiisi. Markii dambe wuxuu u guuray caasimad dalka Hindiya ee New Delhi halkaasina wuxuu bilaabmay dugsi lagu barto aqoonta islaamka gaar ahaan mad-habta xanafiga.

Bilowgii hore tabliiqu wuxuu xoog ku lahaa dalka Hindiya, balse markii dambe wuxuu ku faafay dalalka jaarka la ah Hindiya iyo waliba caalamka. Intii aanu tabliiqu xoogaysan waxa dalaka Hindiya, Pakistaan iyo Bangaladhesh ku xooganaa jameecooyinka suufiyiinta, gaar ahaan Dariiqadda Jishtiga.
Tabliiqa waxa saldhig u ah lix qodob
Kalimah: oo ah qirista ilaahay mooyee in aan ilaah kale jirin oo xaq lagu caabudo, nebi maxamed (NNK) yahay rasuulkii ilaahay
1.Oogidda salaadda
2.Cilmi iyo digri
3.Niyad saafi u ah alle
4.Karaamaynta muslimka
5.Wakhti qaybsi
Tabliiqu waxay si weyn ugu baaheen caalamka. Soomaaliya waxay soo gaadheen sannadki 1976-kii. Waxayna ahaayeen jameeco ka timid Pakistaan. Tabliiqa soomaaliya waxa madax ka ahaa wakhtigan Sh. Ismaaciil Maxamuud Cigaal.
Sannadahii 1991iyo intii lagu jiray dagaalladii sokeeye, tabliiqu way ka badbaadeen inay ku dhexmilmaan qabiilooyinkii dagaallada ku jiray iyo waliba siyaasadaha kooxaha qabiilka ku dhisan. Waanay ka fogaadeen in lagu sheego inuu damac xukun doon ku jiro. Culimada tabliiqu way ka fogaadeeninay xukun ka soo saaraan arrimaha diinta ee fikir ahaan la isku khilaafsan yahay.
Waxay aaminsan yihiin mad-habta xanafiga, balse kama hadlaan khilaafk madaahibta ka dhexeeya. Waxay xooga saaraan in qofka ixtiraam tusaan, oo aanay faragalin arrimaha u gaarka ah, laakiin lagu koobnaado dedaalka dacwada iyo ku baaqista in dadka loogu yeedho diinta islaamka.
Dadka waxay ula dhaqmaan si qunyar-socdnimo ah, oo dabacsan. Mana ogola in la kala sareeyo, oo dadku noqdo dabaqado. Tabliiqu waxay caan ku yihiin sida bulshada loo dhexgalo qaybaheeda kala duwan. Waxay degaan meeshii ay doonaan inay dacwada ka fidiyaan. cid kasta way u nugul yihiin waanay soo dhaweeyaan.
Arrimahani waxay u saamaxeen inay si fudud u helaan taagerayaal badan oo si weyn u raacsan fikirkooda. Hasayeeshe waxa jira culimo fara badan oo si weyn u dhaliila hanaanka tabliiqu u wadaan dacwada.
Waxay sheegaan in tabliiqu aanu xooga saarin barashada diinta islaamka, oo aanay lahayn aqoon ku filan oo ay dacwada ku faafiyaan. Taasina ay keento inuu midhodhalo noqon waayo dacwada ay wadaan tabliiqu. Dhinaca kale waxa jira culimo diidan in wax laga sheego tabliiqa, sababta ayaa ah, sidey wakhtigan u galiyaan dacwada uma galiyaan kooxaha kale ee islaamiyiinta ahi.
Tabliiqu waxa lagu ammaanaa sida fudud ee ay dadka u hanuuniyaan, ugana dheeraadaan arrimaha xaasxaasiga ah ee kala fogeeyey islaamiyiinta soomaaliya iyo somaliland. Tabliiqu muu kala qaybsamin taniyo intii ay jireen, halka islaamiyiinta kale ay u kala qaybsameen dhawr firqadood.
Waana waxyaabaha u soo jiiday sumacada iyo qiimaha ay bulshada dhexdeeda ku leeyihiin. Waxaana u saamaxay ka fogaanshaha adduunyada iyo dhaqaale urursiga ay ku hawlan yihiin kooxaha islaamiyiinta kale ee ka jira somaliland iyo soomaaliya.
Qore: Cabdilaahi Cabdi Muuse

 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE