Madaxweynaha Soomaaliya Oo Soo Gaabiyey Safarkii Itobiya, Si Uu Uga Qeyb Galo Aaska Marxuum Siraaji Sheekh Cabaas

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa goor dhow si deg deg ah dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho, isagoo soo gaabiyay booqasho labo cisho aheyd oo uu shalay ku tagay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya.

Sida ay sheegayaan wararka wafdigii Madaxweynaha ayaa ka soo degay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, waxaana ay ka qeyb galeen aas qaran oo loo samellay ha u naxariistee Wasiir Cabaas Cabdulaahi Sheekh Siraaji oo xalay lagu dilay Muqdisho.

Madaxweynaha ayaa ka tacsiyadeeyay geerida Wasiir Cabaas, isagoo ku tilmaamay inuu ahaa nin wadani ah, tusaalena u ahaa dhalinyarada Soomaaliyeed.

Madaxda dowladda Federaalka, Mas’uuliyiin ka tirsan xukuumadda, xildhibaano ayaa ka qeyb galay aaska, sidoo kale waxaa ka qeyb galay aaska Marxuumka Ergeyga Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Micheal Keating iyo wakiilo ka socda Beesha Caalamka oo ku sugan Madaxtooyada.

Dowladda Federaalka ayaa la filayaa inay ku dhawaaqdo maalmo baroor diiq qaran, iyadoo Madaxweyne Farmaajo uu shir guddoomin doono shir deg deg ah oo amniga ku saabsan.

Dilkii xalay ee Wasiir Cabaas Cabdulaahi Sheekh Siraaji ayaa banaanka soo dhigay dayacaada amni ee ay ku sugan yihiin qaar ka mid ah wasiirada Xukuumadda, kuwaasoo gaadiid yar yar isaga socda Muqdisho.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE