Tacsi: Allaha U Naxariistee Waxaa Magaalada Muqdisho Ee Dalka Somalia Ku Geeriyooday Ugaas Maxamed Macalin Xasan Monday, May 01, 2017

Rabbi ha u naxariistee, waxaa maalinnimadii Isniintii, magaalada Muqdisho, ku geeriyooday Ugaas Maxamed Macalin Xasan.Ugaaska,Wuxuu ahaa mas’uul ay ku wayntahay;Diinta,Soomaali-nimada,walaal-nimada,midnimada,wadani-nimada iyo wadajirka ummada Soomaaliyeed iyo soo celinta dawladee xooga laheed.

Marxuumaka oo qiyaastii ay da’deedu aheyd ku dhawaad 80 sano, dhalayna  caruur 10 ah  iyo kuwa ay sii dhaleen gaarayaan 50 qof.

Rabbi ha u naxariistee, marxuumka oo maanta si caadi ah ugu dhimatay magaalada Muqdisho (natural death), ayaa waxaa geerideeda la war gelinayaa qoyska, qaraabada iyo asxaabta ay ka tagay meel ay dunida ka joogaanba.

Tacsidan Waxa diraya dadka kala Ah Abdullahi Yusuf Macalin, Xaaskeyga Nimco Abdullahi Ereg, caruurteyda, iyo Abdirahmaan Yusuf Macalin , xaaskiisa Leylo Maxamed Gaabow iyo caruurtiisa, iyo Sacdiyo Yusuf Macalin,seeykeeda iyo caruurteeda, iyo Amaran Nuur Cibaar iyo seeygeeda iyo caruurteeda dhamaan dadkan waxeey kala joogaan London,Norway,Nairobi dalka Kenya,iyo magaalada Muqdisho.

Waxaana si weyna uga tiiraanyeysanahay geerida naxdinta leh ee ku timid AUN Ugaas Maxamed Macalin Xasan, ayaan waxaan tacsi u direynaa Xildhibaan, Abdikafi Macalin Xasan iyo guud ahaan qoyska reer Macalin Xasan iyo qaraabada uu ka tagtay Ugaaska, waxaana leenahay “Rabbi samir iyo iimaan hanaga wada siiyo, Ugaaska Alle-na ha u naxariisto, Janatul Fardowsana ha ugu bishaareeyo.” Aamiin.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran