Tacsi Tiiraanyo Leh Allah U Naxriistee Waxa Magaalada Muqdisho Ku Geeriyoodey Nabadoon Axmed Xasan Bakool

Waxaa halkan tacsi tiiraanyo leh uga direynaa dhammaan ehelkii iyo asxaabtii uu ka geeriyoode  AUN Nabadoon Axmed Xasan Warfaa (Nabadoon Axmed Bakool) oo xalay ku go’ay magaalada Muqdisho.

Dhamaan Ehelkii, Axbaasii iyo qaraabadii uu Nabadoonka ka geeriyoodey ayaa waxaana Alla uga baryeynaa in uu samir iyo iimaan Alla ka siiyo, marxuumkana janadii Fardowsa alla uu ka waraabiyo.

Nabadoon Axmed Bakool oo lagu xasuusan doono Geesinimo iyo hadal karnimo ayaa ka mid ahaa Odayaasha dhaqanka ee Beesha Biimaal, waxaana uu door kasoo qaatey masaalixda Beesha dhexdeeda.

Innaa lillaahi wa innaa ileyhi raajicuun

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran