Warbixinno Dheeraad Ah Oo Kasoo Baxaya Dilka Magaalada Muqdisho Loogu Geystey Wasiirrki Howlaha Guud Ee Xukuumadda Soomaaliya (Sawiro)

Allah u naxriistee waxa xalay magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya lagu toogtey Wasiirkii howlaha guud iyo guryenta ee xukuumadda Fedaraalka.

Wasiirka oo ay toogteen ilaalo la lasocotey hanta dhowrka guud ee qaranka ayaa waxa soo baxaya warbixinno ku saabsan qaabka uu dilka u dhacay, waxaana jira sida warbixinadu ay sheegayaan tuhuun la xiiriira in dilka Wasiirka uu ahaa qorshe lasoo dejiyey.

Hanti dhowrka guud ee qaranka Faarax Jimcaale oo la hadlay Warbaahinta ayaa beeniyey  in dilka uu la xiriiro qaab siyaasadeed ama shirqool, waxaaana uu sheegay in dilka uu ku dhacay qaab shil ah, ka dib markii ay kala shakiyeen ilaaladiisa iyo kuwo kale oo la socdey Wasiirka Geeriyoodey.

Waxa dhinaca kale uu sheegay  is rasaaseyn dhexmartey ilaaladiisa iyo kuwo la socdey Wasiir Siraaji in ay sababtey  dhismashada Wasiirkii  howlahaguud ee xukuumadda Soomaaliya,waxaana uu difaacay askarta lasocotey.

Sida  ay sheegeen   goob joogayaal, waxa ay tilmaameen in hal xabo kaliya ay ku tiilay Wasiirka  taas oo uga tiilay Madaxa, waxaana ay meesha ka saareen,  warar sheegayey in dhowr xabadood lagu dhuftey.

Gaariga uu saarnaa Wasiir  Cabaas ayaa Sawiro laga soo qaadey waxa ka muuqda hal xabo oo uga taalla qeybta ku aaddan Madaxa, waxaana meesha ka baxaya wararka sheegaya in seddax qof ay rasaaseeyeen ama isku dhac ciidan ay geerida ku timid.

Maamulk Goboleedka Jubbaland oo laga soo doortey Wasiirka ayaa ku baaqey in baaritaan dheeri ah lagu sameeyo sababta kaliftey in la dilo Wasiir Cabaas, ahaan xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Fedaraalka.

Ehelada Marxuumka oo hadlay ayaa sheegay inay dalbanayaan cadaalad iyo sharci in loo horkeeno kuwii soo gaabiyey mustaqbalka wiilkooda, waxaana ku baaqeen in aan laga seexan kiiska Wiilkooda oo ay ka xuniyiin in nolosha la dhaafiyo.

Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya ayaa waxa ka dhaca dilal loo geysto dad kala duwan, waxaana aad u yar in lasoo qabto ama maxkamad la horkeeno cidda dilalka geysaneysa, waxaana horey u jirey Xildhibaano iyo saraakiil dowlada ka tirsan oo ay dileen Ciidamo dowlada ka amar qaata, mana jirin cid iska xil saartey in baaritaan lagu sameeyo dilalkaasi.

Halkan Hoose Ka Daawo Sawirada Gaariga Wasiirka Uu Watey Markii La Dilaayey

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE