Xog Dheeraad Ah Oo Laga Helay Kulan Magaalada Muqdisho Ku Dhexmarey Madaxweynaha Soomaaliya Iyo Waxgaradka Beesha Biimaal

Xarunta Madaxtooyada Villa Soomaaliya Habeenkii Talaadada ee Arbacada ay soo galeysay, waxa kulan ku yeeshay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomalaiya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo iyo Waxgaradka Beesha Biimaal.

Inkastoo kulanka waxyaabihii looga hadlay ay ahaayeen cabashooyin ay gudbisey Beesha, ayaa waxa aad u yar in si dhameystiran loo helo balan qaadka Madaxweynaha iyo Ra’isalwasaaraha xukuumadda Soomaaliya.

Waxa jira xog ay heshay Shabakada Markacadey.com oo sheegaysa in Madaxweynaha uu ka dhawaajiyey in dowladiisa ay si dhow ula socoto dhibaatada iyo colaadda dheeraatey ee ka jirta Gobolka Shabeelada hoose.

Dadka ka qeyb galay kulanka ayaa wax xoogaa ah dhliiley, hadal Madaxweynaha uu ka sheegay madasha oo ahaa in arimaha xasaasiga ah ee Gobolka ay ka wadatashan doonaan Xildhibaanada iyo siyaasiyiinta Beesha.

Dadka hadalkaas dhaliilsan ayaa ku andacoonaya in siyaasiyiinta iyo xildhibaanada ay ka gaabiyeen waxqabadkii ay ka sugeysay Beesha ay ka dhasheen, taasna ay keentey in uu sii baaho dhibka ka jira Gobolka.

Sida ay tilmaameyso warbixinta aan shirkaas ka helnay, waxa jiri doo wadatashiyo dambe oo looga wada hadli doono xal u helidda xaaladda Gobolka Shabeelada hoose.

Waxaan ka cudur daaraheenaa in Warbixinadeenii hore aan kusoo gudbiney magacyo qaar oo aan ku sheegney in ay ka qeyb galeen Shirka Madaxweynaha oo markii dambe aan ogaaney in ay shirkaas aanay ka qeyb galin.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran