Xog Waa Maxay Sababta Loo Dilay Wasiir Cabas Cabdulaahi Sheekh Siraaji…….?

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya dil xalay fiidkii agagaarka Madaxtooyada Somaliya ee Muqdisho dil loogu geestay Alla ha u naxariistay Wasiirkii Howladda Guud iyo Guryeenta Cabaas C/llaah Sheekh Siraaji oo ahaa wasiirka ugu da’da yar ee Golaha Xukuumadda Soomaaliya.

Dilka Wasiir Cabaas ayaa waxaa fuliyay Ilaalada Hanti Dhowraha Guud Qaranka Somaliya Nuur Faarax Jimcaale sida la xaqiijiyay, taasi oo aburtay shaki iyo isaamin darro ku kala fogaata dawlada oo madaxwayanah ka yahay Farmaajo .

Dad xog ogal ah ayaa waxa ay sheegayaan Cabaas in lagu dhuftay hal xabad, taasi oo ahayd mid awalba la doonaayay in lagu khaarajiyo,sida hadaba dhacday.Wasiir Cabaas markan la toogtay waxa uu saarnaa Garigiisa, waxaana lala eegtay xabada dhanka Daraawalka ,waana mida abuurtay shakiga iyo muranka.

Waxa kaloo muuqata in gariga wasiirka halkaasi xabad oo kaliya ay ku taalo,tasina waxa ay ku tusaysaa ayay leeyhiin dadkii saaxiibka la ahaa Wasiirka la dilay.in ay jirto toogasho loogu talagalay oo qorshaysan.

Sida ka muuqata Gaariga Alla ha unaxariistee Wasiir Cabaas, waxaa ku yaala hal xabad oo keliya taasi oo lala beegsaday dhinaca uu fadhiyay, xabada ayaana Wasiirka ka haleeshay dhanka sare ee madaxa.

War hoose oo laga helay ehelada Wasiirka la khaarajiyay ee Howlaha Guud iyo Guryenta, ayaa sheegaya in maalmahanba muran xoogan uu kala dhaxeeyay Hanti Dhawrka Qaranka iyo wasiirka la dilay.

Sida la sheegay waxa ay labadoodu isku qabteen arin danta guud ah ,taasi oo asalkeedu ahaa Guryo ay dowladda leedahay oo dad shacab ahi ay haystaan, balse wasiirka uu amray in laga raro dadkaasi ,si loogu soo celiyo gacanta Dowladda, waxaan araintaas muran geliyey Nuur Faarax Jimcaale.

Arintani waxa ay dhabar jab wayn ku noqonkartaa dawladii Farmaajo ee loo hanwaynaa waxaana ay dib u dhac iyo kala shaki ku keeni kartaa is aaminka madaxda dalka.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE