Dowladda Mareekanka Oo Qiratey In Askar Looga Dilay Howlgal Gaar Ah Oo Ka Dhacay Gobolka Shabeelada Hoose

War kasoo baxay dowlada Mareekanka ayaa waxa lagu sheegay in askar ka tirsan Ciidamo u dhashay dalkaasi lagu dilay howlgal gaar ah oo ay ka fuliyeen deegaano ka tirsan kuwa Gobolka Shabeelada hoose.

Howlgalka oo ay iska kaashadeen Ciidamada sida gaarka ah u tawabaran ee Dowlada Soomalaiya iyo kuwo Mareekan ah ayaa Dowlada Washington waxay ku sheegeen in howlgalkaas looga dilay hal askari lagana dhaawacay laba askar oo kale.

Sida ay ku waramayaan dadka deegaanka howlgal si wada jir loo fuliyey ayaa waxa lagu qaadaey xarumo ku yaalla deegaanka Daarusalaam oo duleedka ka xiga degmada Awdheegle, waxaana halkaas la sheegayaa in khasaare kala duwan uu ka dhashay.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in xarumaha la bartilmaameedsadey ay ku jirto xarun ay ku shaqeyso Idaacadda ku hadasha Afka Alshabaab oo lagu magacaabo Al-andalus, waxaana dhismaha Idaacadda laga qaatey qalabkii ay ku shaqeeneysey.

Inta badan howlgallo gaar ah ayaa waxa laga fuliyaa deegaano ka tirsan Gobolka Shabeelada hoose, waxaana howlgalla intooda badana ay yihiin kuwo lagu qaado xarumo cayiman oo lagu tuhmayo inay ku suganyihiin Mintidiinta alshabaab.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran