Madaxweynaha Soomaaliya Oo Xeer Madaxweyne Ku Ogolaadey Xilka Qaadista Hanti Dhowrka Guud Ee Qaranka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Fedaraalka ee Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa xeer Madaxweyne ku aqbalay xilka qaadista Golaha Wasiirada ay ku sameeyeen hanti dhowrka Guud ee qaranka.

Madaxweynaha ayaa digreeto ku soo saaray xilka qaadista hanti dhowka guud Dr Nuur Faarax Jimcaale oo xalay kulan ay yeesheen  Wasiirada cod aqlbiyad leh xilka looga toorey, waxaana Madaxweyne Farmaajo uu si rasmi ah u ayidey xil ka qaadista.

Hanti dhowrka qaranka ayaa dood ka keeney xilka laga qaadey, waxaana uu sheegay in  GolohaWasiirada aanay xaq u laheyn in ay xilka ka qaadaan, waxaana intaa hadalkiisa uu raaciyey in sifo aan sharci aheyn loo maray.

Wareegtada Madaxweynaha Soomaliya ayaa muran sii gelin doonta arimaha la xiriira sharci ahaanshaha xilka ka qaadista hanti dhowrka, waxaana sida muuqata qaab siyaasadeysan loo dhigey xilkii Golaha Wasiirada ay ka xayuubiyeen Dr Nuur Faarx Jimcaale.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE