Wararkii Ugu Dambeeyey Xaaladda Degmada Nambar 50 Iyo Guud Ahaa Gobolka Shabeelada Hoose

Wararka aan ka heleyno degmada Raaxoole Ex Nambar 50 Ee Gobolka Shabeelada hoose ayaa ku waramaya in xaalad degenaasho ah laga dareemayo deegaanka iyo deegaanada hoos yimaada halkaas oo xalay uu ka dhacay dagaal culus.

Khasaaraha ka dashay dagaalka oo ilaa hadda aan la sheegi Karin ayaa warar aan helnay waxay sheegayaan in Meydad gaaraya ilaa shan askari la geeyey deegaanka lagu magacaabo Balafley, halkaas oo xalay Alshabaab ay damceen inay ku aasaan.

Ma jiro khasaare soo gaaray Ciidmada Maamulka Degmada Nambar 50, waxaana la sheegayaa in dhaawacyo aan sidaa u buurneyn uu soo gaaray ilaa seddax qof oo shacab ah kuwaas oo xabado wiifta ah ay ugu tagtey guryahooda.

Maamulka Raaxoole ayaa ugu baaqey Shacabka inay is dejiyaan ayna la sheeqeeyaan Ciidamada si guullo la taaban karo loogu gaaro Maleeshiyada Burcad diimeedka ah ee duulanada kusoo qaadaya deegaano ka tirsan Gobolka Shabeelada hoose.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE