Gudiga Gurmadka Abaaraha K/galbeed Oo Raashiin Ka Qeybiyey Deegaanka Ceeljaalle (Sawiro)

Gudiga Gurmadka Abaaraha Maamulka K/galbeed ayaa maanta mar kale deeq raashiin ah waxay ka qeybiyeen deegaan weynaha Ceeljaalle ee duleedka magaalada Marka.

Deeqdan raashiinka ee loogu talagalay dadka ku dhaqan Ceeljaalle ayaa isugu jirtey Bariis, Sonkor iyo Saliid, waxaana ka faa’idey sida Maamulka deegaanka uu noo sheegay ilaa lex boqol oo qoys.

Lacag gaareysa 2500 door ayaa waxa lagu soo iibiyey 50 Kiisha oo Bariis, 30 jirigaan oo Saliid ah iyo 12 kiish oo Sokor ah, calaa qof ayaa waxa uu helay 4kiilo oo Bariis ah, hal kiilo oo Sokor iyo hal Litir Saliid ah.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE