Hanti Dhowrkii Hore Oo Ku Hanjabay Inuuu Dili Doono Wasiir Kale Oo Ay Saaxiib Ahaayeen AUN Cabbaas Siraaji

Beesha uu kasoo jeedo hanti dhowrihii qaranka ee dhawaan laga qaaday xilka ayaa ku hanjabay inay dilaan mid ka mid ah dhalin yarada ugu firfircoon ee ku jira Wasiirada Xukuumadda Xasan Cali Kheye.

Xog ay heshay Shabakadda Markacadey.com ayaa sheegeysa in Wasiirka Xanaanada Xoolaha ee xukuumadda Soomaaliya la qorsheenayo in la qaraajiyo, waxaana abaabulkaas wada Beesha Hanti dhowrkii xilka qaaday Dr Nuur Faarax Jimcaale.

Arimaha loo sababeeyey dilka Wasiirka Xanaanada Xoolaha Dr Sheekh Nuur Maxamed Xasan ayaa lagu sheegay in ay sababsan doonto dhowr arimood, waxaana ugu horeeya in Wasiirka Saaxiibo dhow ay ahaayeen AUN Wasiirkii la qaarijiyey Cabaas Sheekh Siraaji, islamarkaana xildhibaannimada hal meel lagu soo wada doortey.

Arinta kale ee Carada dhalisey ee keentey in la qorsheeyo qaarijinta mid ka mid ah Wasiirada dhalinyada ah ee Xukuumadda Xasan Cali Kheyre ayaa waxa lagu sheegay muran dhex maray Wasiirka Arimaha dibada Soomaaliya Yuusuf Garaad iyo Wasiirka Xanaanada Xoolaha Dr Sheekh Nuur Maxamed intii uu socdey shirkii Golaha Wasiirada ee xilka looga qaaday Dr Nuur Faarax Jimcaale.

Wasiirka Xanaanada Xoolaha Xukuumadda Fedaraalka ee Soomaaliya ayaa aad uga careysnaa dilka xaq darada ah ee Saaxiibkiis Siraaji Cabdulaahi Sheekh Cabaas ayaa waxa uga sii daray markii Yuusuf Garaad uu far geliyey xil ka qaadista hanta dhowrka oo ku eedeysan dilka Wasiir Cabaas.

Arinta seddaxaad ee xoojineysa tuhunka ayaa ah in Hanti dhowrkii hore iyo Beeshiisa ay weli ku indha adeegayaan xilkii laga xayuubiyey, iyadoo wax kasoo qaad aan loo sameynin dilka Wasiirka howlaha guud, waxaana dad badan oo Soomaali ah ay is weydiinayaan cadaalad darida keentey in loo doodo xil ka qaadis hase ahaatee aan meeshaba lagu haaynin qadiyada dilka.

Arimahan ayaa imaanaya iyadoo inta badan Wasiirada Xukuumadda Soomaaliya uu dayacanyahay Amaankooda, waxaana Wasiir Sheekh Nuur la sheegaa in amaankiisa ay ilaaliyaan Ciidamo aan leysku haleen Karin.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran