Maamulka K/galbeed Oo Maamul Cusub U Magacaabay Degmada Buur-Hakaba Ee Gobolka Baay

Maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya ayaa maamul cusub u magacaabay degmada Buurhakaba ee Gobolka Baay,kaddib markii Guddoomiyihii hore ee degmadaasi uu u dhintay dhaawac ka soo gaaray Miino loogu xiray agagaarka Saldhigga Booliska Buurhakaba.

Maamulka cusub ee Degmada Buurhakaba ayaa waxa uu ka koobanyahay Guddoomiye iyo 5 ku xigeen kuwaas oo lagu kala magacaabaa.

1- Maxamed Ibraahim Nuur Guddoomiye

2-Maxamed Xasan Siidoow ku xigeenka Siysaadda.

3-Cabdi Xasan buulle Guddoomiye ku xigeenka amniga.

4-Cismaan Mursan Cabdulle,Guddoomiye ku xigeenka Maaliyadda

5-Abuukar Sheekh yaroow,Guddoomiye ku xigeenka arrimaha Bulshada

6-Dhaayoow Ibraahim Aadan Xog-hayaha dowladda hoose.

Wasaaradda arrimaha gudaha Maamulka Koofur Galbeed ayaa maamulka cusub ee degmada Buur-hakaba kula dardaarantay in ay wax ka beddelaan xaaladda deegaanka iyo in Maamulka uu waxba qaban waayo.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE