Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaaj Oo Magaalada London Ee Dalka UK Kaga Qeyb Galay Shirka Qurba Joogta (Video)

Madaxwaynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa maantada Wuxuu Kudbad ka jeediyey Shirka London, kulankii qurbo joogta iyo ururada bulshada.

“Farxadweyn bay iitahay inaan maanta halkan joogo kulankan looga hadlayo doorka qurbo joogta iyo ururada Bulshada ay ku leeyihiin Soomaaliya.

Mudanayaal iyo marwooyin, waxaan rabaa inaan dhamaantiin idiinka mahadceliyo diyaarinta kulankan, ku saabsan kaalinta iyo ka qayb qaadashada qorbojoogta iyo ururada bulshada rayidka ah ay ku leeyihiin dalka Soomaaliya.
Dowladda Federaalka Soomaaliya waa ogtahay dadaalka iyo taageerada qurbo joogta Soomaaliyeed ay siiyaan Soomaaliya, Soomaalida qurbo joogta ah weligood iyo hadaba waa ka midyihiin ka qaybqaatayaasha ugu weyne ee Soomaaliya, waxay keeneen labo aad loogu baahanyahay maalgashi iyo khibrado aqooneed.

Waxaan ku faraxsanahay inaan ku dhawaaqo , in dowladda Federaalka ee Soomaaliya ay sameynayso xafiis u gaar ah qurbo joogta oo lagu magacaabo National Diaspora Agency (NDA), waxaa uu caawin doona oo uu fududeyn doonaa doorweyn oo qurbo joogtu ku yeelato Soomaaliya.

Dhinaca kale dowladda Soomaaliya waa aqoonsantahay hore iyo hadaba dadaalkii iyo ka qayb qaadashadii ay sameeyeen ururada bulshada Soomaaliyeed, Dowladdayduu waxay wax ka qaban doonta caqabadaha ay wajahaan ururada Bulshadu, waxayna fududeyn doontaa wax walbo oo wanaaga oo aykaga qayb qaadanayaan Soomaaliya.

Waxaan rabaa inaan halkan kaga dhawaaqo caawa waxaynu qabnaa xaflad weyn, waxaana la hadli doona dhamaan Jaaliyada Soomaaliyeed ee London, waxaan doonayaa inaan dhamaantiin idinku casumo dhamaan qurbo joogta iyo ururada bulshada, waxaana u maleynaya inaytahay mid aan waxbadan kaga wada hadli karno”

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran