Xog Maleeshiyada Alshabaab Oo Duullaan Ku Ah Degmada Nambar 50 Iyo Deegaano Hoos Yimaada, Maleeshiyadii Ugu Badnaa Oo Deegaanka La Duldhigay (Warbixin)

Maleeshiyada kooxda Alshabaab ayaa damacsan weerar jihooyin kala duwan ah oo ay qorsheeyeen in lagu qaado deegaano dhowr ah oo ku yaalla Gobolka Shabeelada Hoose.

Weerarkan ay qorsheeyeen in ay qaadaan ayaa sida la aaminsanyahay, waxan uu kasoo hormari doonaa howlgalka ay qaadi doonaan Ciidamada dowlada iyo kuwo midowga Afrika oo la filayo in bishan gudaheeda ay ku dhaqaaqaan deegaanada ay shabaabka maamulaan.

Warar kala duwan oo aan ka heleyno duullaanka Alshabaab ayaa sheegaya inay soo dagaal geliyeen ilaa seddax jabhadood (Maleeshiyaad duur ku jir ah) oo tira ahaan lagu qiyaasay afar boqol ilaa shan boqol (400-500) oo laga keenay deegaano kala duwan.

Habeenkii Talaadada oo Arbaco soo galeysay ayaa lex Gaari oo Caasiyaal ah, waxay maleeshiyaad kasoo qaadeen deegaanka Ugunji, waxaana lagu daadiyey inta u dhaxeysa N0 60 iyo Buula-naagey, halkaas oo ay uga gudbeen deexda oo ah laamiga dhinaciisa Bari.

Sidoo kale isla maleeshiyaadkaas waxa deegaanka uga horeeyey kuwo tira ahaan aan hubin hase ahaatee saarnaa Gaari PG ah iyo Gaari kale oo Gaarib lagu sheegay.

Sida ay tilmaameyso warbixinta aan heleyno Maleeshiyaadkan ayaa waxa horjooge u ah ilaa 9, Sarkaal oo hoos taga  seddax Sarkaal oo kasii sareeya, waxaana noo suura gashay in aan helno seddaxda sarkaal ee ugu sareysa oo kala ah Nin Magaciisa lagu soo koobay Guure oo caawa  ku hayanaya deegaanka Hanti-wagaad oo katirsan degmada Janaale, Cabdulaahi Baay iyo Quumuu Jamiican.

Xogta ayaa  tilmaameysa in horjoogayaasha kala ah Quumuu iyo Cabdulaahi Baay ay ku suganyihiin deexda Nambar50, waxaana ay qorsheenayaan weerarka ka dhanka ah Degmada Nambar50.

Waxa kale  oo weerarkan loogu talagalay in ay ka qeyb qaataan Maleeshiyaad fariisin ku leh meel lagu magacaabo God-kabash oo ku aadan Xerada Laantabuuro halkaas oo in muda ah fariisin u ahaa mid ka mid ah jamhadaha lagu weeraro deeganada Ceelasha biyaha iyo Lafoole.

Xogta waxay tilmaameysaa in sedddax jabhooyin lagu weerari doono Degmada Nambar 50, si aanu markale u dhicisoobin hadafkooda ku aadan in ay burburiyaan saldhigyada Ciidmada deegaanka ay leeyihiin.

Maleeshiyada God-kabash degan ayaa Nambar 50 kasoo weerari doona dhinaca Waqooyi Bari, gaar ahaan deegaanka Aboocow oo ay aaminsanyihiin halka kaliya ee lagu jabin karo Ciidamada difaaca deegaanka ka dagaalamaya, weerarka labaad ayaa waxay ka qorsheeyeen, Lamiga gaar ahaan dhinaca Ceelbiyaale, waxaana halkaas u xil saaran Quumuu, halka weerarka seddaxaad oo istiraatiijiyaddiisa ay u dejiyaan uu kasoo qaadi doono Cabdulaahi Baay dhinac Buur-fuulle Bariga Degmada.

Waxaana dhinaca sahminta iyo dagaal gelinta u xil saaran Guure oo ku magacaaban horjoogaha guud ee Jabhadaha Maleeshiyada Shabaab ee dagaalada Barakicinta ah ka wada Gobolka Shabeelada hoose.

Dhinaca kale waxa dagaalada Shabeelada hoose gaar ahaan kuwo lagu qaadayo Deegaanada Beesha Biimaal lagu fariisiyey horjoogayaal soo hoyiyey guul darooyin iyo jab xanuun badan oo Alshabaab ay ku waaysay dagaalyahaano badan iyo hub aan cadad laheyn.

Waxa heegan ku jira Ciidamada difaaca deegaanka, waxaana si dhow ay ula socdaan qorshaha Alshabaab ee deegaanka ay ka damacsantahay, iyadoo ay suura gashay in horjoogayaasha wada qorshaha dagaal lagu dhax yeeshay koox soo tabisa xogta iyo hadba halka uu maraayo dhaqdhaqaaqooda.

Ugu dambeyntii  qorshan ayaa waxa laga yabaa in ay fuliyaan seddaxda maalmood ee soo aadaan, hadii aan la helin wax kale oo baajiy,Saraakiisha Ciidamada deegaanka ayaa qirey in ay dareemayaan wax aan la hubin oo baajin kara qorshahan iyadoo ay xusid mudan tahay awoodda Alle oo wax walba ka weyn.

Hadii Alla idmo waxaan soo gudbin doonnaa Shir ay ka qeyb galeen horjoogayaal kala duwan oo ka dhacay Guri ku yaalla deegaanka Ay-Buutey, gaar ahaan Guri uu leeyahay Nin lagu magacaabo Cali Abshir.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE