Dhageyso Madaxweyanaha Puntland Oo Sheegay In Ay Xoolo U Iibinayaan Dadka Ku Ceyrtoobey Abaartii Ka Dhacday Dalka

Madaxweynaha Puntland Dr C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay in aysan marnaba doonaynin in dadkii Puntland ee abaaraha xoolahoodii ku waayay ay noqdaan barakacayaal gacmaha u hoorsada raashinka ay bixiso Hay’adda WFP ee Qaramada Midoobay.

 Madaxweynaha oo ka duulaya isku tashiga Puntland iyo shacabkeeda wuxuu sheegay inay dhaqaale u raadinayaan sidii dadkaas dib xoolo loogu iibin lahaa, si ay ugu laabtaan nolashoodii caadiga ahayd ee miyiga.

Sidoo kale Madaxweynaha Puntland ayaa sheegay inay dib u celin u sameynayaan dadkii Puntland ugasoo hayaamay dhulkooda, kuwaas oo soo maciin biday roobabkii yaraa ee dabayaaqadii sanadkii hore ka da’ay gobolada Bari iyo Karkaar, dadkaas oo isaga kala yimid maamulada Soomaaliya.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE