Sooraan Oo Mahad-naq Iyo Amaan Siyaasadeysan U Jeediyey Puntland iyo Dawlad Degaanka Somalida Itoobiya (Video)

Jilaaga Soomaaliyeed ee SOORAAN ayaa Bogaadin iyo Hanbalyo u diray Madaxwayneyaasha Puntland iyo DDSI isagoo uga Mahad celiyey Puntland sidii ay usoo dhoweeyeen Shacabka kasoo jeeda dhinaca Somaliland ee Abaartu Saamaysay.

“Waa Soomaalinimada, waa dadnimada, waa Dawladnimada Puntland, Waa mid aanu Abaalkeeda gudi doono mida ay yeeleen, Waana Gobanimo aan Weligeed la Ilaawi karin “

Dhinaca kale wuxuu Hanbalyo iyo Duco u diray Madaxwaynaha Dawlad degaanka Soomaalida Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar oo isuguna Xiligii Abaarta Door wayn ka qaatay.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE