Axmed Macallin Fiqi Oo Magaalada Ankara Kula Kulmay Xasan Sheekh Oo Ay Kala Irdhoobeen Xilligii Doorahada

Axmed Macalin Fiqi oo kamid ahaa siyaasiyiinti sida weyn uga soo horjeeday Xasan Shiikh Maxamuud isla markaasna qeyb ka ahaa qorshihii uu Farmaajo ugu guuleystay Doorashada Soomaaliya ayaa booqday gurisga uu Xasan Shiikh Maxamuud ka dagan yahay Magaalada Ankara ee dalka Turkiga.

Xildhibaan Axmed Macallin Fiqi ayaa booqashadaas kadib Wuxuu ka waramay Kulanka dhexmaray, Isagoona Bulshada la wadaagay Sawirka ay wada galeen Xasan sheekh Maxamuud.

” Kala maqnaansho dheer, kala aragti duwanaansho siyaasadeed oo rag & xaalkii ah ka dib, waxaan xalay guriga uu deggan yahay Ankara ku booqday H.E. Xasan Sh. Maxamuud madaxweynihii hore ee Soomaaliya, oo soo dhowayn iyo marxabayn badanna aan kala kulmay.

Soomaalida ayaa ku maahmaahda “doqoni waxey ogayd meeshii lagu diriray ee ma ogayn halka lagu heshiiyey “, waxaan madaxweynaha isla Xirnay xisaabta cutubkii hore, annagoo si qoto-dheer uga sheekaysannay siyaasadda dalka waqtigii la soo dhaafay iyo mustaqbalka, xog-ogaalnimo badan & waaya-aragnimo dheer ayaan ka kororsaday mudadii aan wada qaadannay madaxweynaha”. ayuu yiri Fiqi.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran