Dagaal Xoogan Ka Qarxay Magaalada Beledweyne Ee Xarunta Gobolka Hiiraan

Wararka ka imaanaya Gobolka Hiiraan ayaa ku waramaya in uu halkaasi ka socdo dagaal xoogan oo u dhaxeeya Ciidamada dowladda iyo Maleeshiyo ku  sugnaa qeybo ka mid ah Gobolka.

Sida lagu soo waramayo dagaal xoogan ayaa u dhaxeeya Ciidamada dowlada iyo maleeshiyaad taabacsan Maamul lamagac baxay Westland State, waxaana dagaalka xoogiisa uu ka socdaa xaafadda howlwadaag.

Dagaalka ayaa yimid sida la sheegay ka dib markii Ciidamada dowlada ay damceen in ay xarumo ka sameystaan xaafadda howlwadaag ayaa waxa dagaal kala horymid Maleeshiyaad kale oo sida la aaminsanyahay taabacsan Maamulka Westland State oo in muda ah halkaas dagaal ka waday.

Inta la ogyahay weli ma jiraan faafaahino kasoo baxaya khasaaraha dagaalka ka dhashay hase ahaatee waxa jira dhimasho iyo dhaawac labada dhinac soo gaaray.

Wixii warar ah ee kusoo kordha halkan ayaan kusoo gudbin doonna

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE