Faafaahinno Dagaal Khasaare Geystey Oo Ka Dhacay Magaalada Beledweyne

Waxa faafaahinno dheeraad ah ay kasoo baxaayaan dagaal khasaare dhaliyey oo maanta ka dhacay magaaladaa Beledweyne  ee xarunta Gobolka Hiiraan.

Dagaalka ayaa wararka soo baxaya waxay sheegayaan in uu u dhaxeeyey Ciidamo ka tirsan kuwo dowlada iyo maleeshiyo hab beeleed u abaabulan kuwaas oo ku sugnaa qeybo ka mid ah magaalada.

Sida ay kusoo waramayaan Wariyeyaasha magaalada Beledweyne, dagaalka ayaa waxa ku lug lahaa Gudoomiye ku xigeenka Amniga iyo siyaasadda Maamulka Hiiraan, xilli ciidamada ay doonayeen in ay saldhig ka sameystaan Xaafadda howlwadaag.

Weli si rasmi ah uma cada khasaaraha halkaasi ka dhashay hase ahaatee waxa jira warar sheegaya in hal askari oo ka tirsan dhinacyada dagaalamay uu geeriyooday halka dhaawacu uu gaarayo laba qof oo midkood shacab uu yahay.

Majiro wax war ah oo kasoo baxay maamulka Gobolka Hiiraan iyo kan magaalada oo ku aadan dagaalka maanta dhacay, magaalada Beledweyne waxa dhowr jeer oo hore ka dhacay dagaal siyaasadeysan oo hab beeleed u abaabulnaa.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran