Faafaahinno Laga Helaayo Dagaal Maanta Ka Dhacay Duleedka Nambar 50 Iyo Maleeshiyada Alshabaa Oo Dilay Dad Shacab Ah

Dagaal kooban ayaa gelinkii dambe ee maanta ka dhacay deegaan lagu magacaabo Balafley halkaas oo weerar gaadma ah ay kusoo qaaseen Sharwadayaal ka tirsan kooxda alshabaab.

Weerar gaadma ah oo Alshabaab ay ku dishay laba qof oo deegaanka ah ayaa isku bedelay iska hor imaad kooban, waxaana marka hore difaac adag galay dadka deegaanka oo u badnaa kuwoo hubeysan, iyadoo markii dambe halkaas ay gaareen Ciidamada Maamulka Nambar 50.

Xaaladda ayaa caawa maqribkii degtey waxaana dib u laabtey kooxdii duur ku jirta ee Alshabaab, iyadoo caawa halkaas ay ku hoyanayaan Ciidamada Maamulka Nambar 50 iyo dadka deegaan oo maanta iska caabiyey Maleeshiyadii soo weerartey.

Dadka  Shacabka ee halkaas lagu dilay ayaa mid ka mid ah waxa magaciisa naloogu sheegay Xasan Maxamed Cali Shamaq iyadoo ay noo suuragelin in aan helno magaca haweeneyda meesha lagu dillay.

Deegaanada deexda ah ee duleedka ka xiga degmada Nambar 50 ayaa bilooyinkii lasoo dhaafay la kulmaayey weerar ay  soo qaadayeen Maleeshiyaadka kooxda Alshabaab.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE