Khasaare Ka Dhashay Qarax Ka Dhacay Muqdish Iyo Alshabaab Oo Sheegatey Mas’uuliyadda Qaraxa

Sida uu sheegay Afahayeenka Maamulka Gobolka Banaadir, gaari laga soo buuxiyey walxaha qarxa ayaa maanta wuxuu ku qarxaya Degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho.

Ciidamadda amaanka ayaa gacanta ku dhigay gaariga qaraxa siday ka hor intii uusan qarxin, waxayna wararku intaas ku darayaan in intii  uu socday baaritaanka  uu Qarxay Gaariga, halkaasi oo ay ku geeriyoodeen Ilaa iyo Saddex Askari oo  ahaa ciidamadii ku wareegsanaa baabuurka qarxa.

War qoraal ah oo lagu baahiyey baraha taageera Alshabaab ayaa waxay ku sheegeen in mas’uuliyadda qaraxaasi ay iyaga ka dambeeyeen, waxaana ay sheegeen gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay lagu qarxiyay Saraakiil ka tirsan Dowladda Soomaliya, iyo kuwa Cadaan ah islamarkaaa uu jiro qasaaro soo gaaray.

Al-Shabaab sidoo kale waxaa ay sheegeen in saraakiil katirsan Miina Baarista DF-ka, markii ay dhan walba ka baareen gaariga oo ay ka waayeen walxaha qarxa ayay u yeereen saraakiil Cadaan ah oo kasoo amba baxay xerada Xalane kadibna ay ku qarxiyeen Gaariga.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran