Madaxweyne Gaas “Xildhibaanada Nayroobe Ku Shirey Ka Yeelli Meyno In Dowlad Jirta Seddax Bilood La Mucaarado” (Video)

­Madaxweynaha maamul Goboleedka Puntland C/Weli Maxamed Cali Gaas oo ku sugan magaalada Oslo ee dalka Norway ayaa Khudbad dhinacyo badan taabaneysa u jeediyey Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Halkaasi ku dhaqan, Sidoo kale wuxuu ka hadlay xildhibaanada mucaaradka ah ee ku shirsan magaalada Nayroobi ee dalka Kenya.

Madaxweyne Gaas ayaa sheegay in wax lala yaabo ay tahay in xildhibaanada baarlamaanka ee doortay madaxweynaha Soomaaliya durbo seddex bilood kadib inay mucaaradnimo kala horyimaadaan dowladda Farmaajo.

Madaxweyne Gaas wuxuu sheegay in dowladda Soomaaliya ay haatan bilooyin jirsatay ayna wanaagsan tahay in xildhibaanada baarlamaanka ay la sugaan xilli lala xisaabtami karo oo waqti la siiyo.

Madaxweyanaha Puntland ayaa sheegay in ay aqbali karin mucaaradnimo xilli dowlada ay bilooyin jirsatey “Sida aad la socotaan waxaa Nairobi ku shiray Xildhibaano ka tirsan Gollaha Shacabka Soomaaliya Waxaan u sheegaynaa ka yeeli mayno in dowlad 3 bilood Jirta in la shideeyo”.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE