Qarax Gaari Oo Goordhow Ka Dhacay Magaalada Muqdhisho

Gaari lagu soo xirey walxaha qarxa ayaa waxa uu goordhow ku qarxay magaalada Muqdisho gaar ahaan xaafada wadajir, waxaana wararku ay sheegayaan in qaraxan uu yimid ka dib markii la qabtey gaariga.

Ciidamada Miina baarista dowlada oo lasocday dhaqdhaqaaqa gaariga ayaa la sheegay in ay ku qabteen degmada Wadajir, waxaana la  qabtey mid ka mid ah laba qof oo gaariga saarnaa.

Gaarigan ayaa la sheegay inuu ku qarxay meel aan ka fogeyn halkii lagu qabtay, kuna dhow dhanka saldhigga degmada Wadajir sida ay Goob joogayaal inoo sheegeen.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran