Rasaas Xoogan Oo Ka Socota Duleedka Nambar 50 Iyo Ciidamo Xoogan Oo Dagaalka Ku Biiray

Wararka hada naga soo gaaraya duleedka Magaalada Nambar 50 ayaa sheegaya in rasaas xoogan ay ka socot meel duleedka ah, ka dib markii halkaasi ay soo weerareen maleeshiyada Alshabaab.

Dagaalka ayaa sida la sheegay waxa lagu soo qaaday dad xoola dhaqata ah oo ku dhaqnaa deegaanka Balafley, waxaana halkaas rasaas culus ay uga bilaabatay xoolaleyda iyo kooxda Shabaab.

Warar kala duwan oo ay heleyso Shabakada Markacadey ayaa ku waramaya in ciidamo xoogan oo ka gurmadey Nambar50 ay gurmad ahaan ugu biireen dagaalka haatan socda, iyadoo la filayo in ciidamo kale oo dheeraad ah loo diro.

Sida aan ku heleyno warar horudhac ah Maleeshiyada Alshabaab ayaa deegaanka ku dishay haween xoola dhaqata ah, waxaana sidaa ku qarxay dagaalka oo hadda si xoogan uga dhacaaya deegaanka Balafley.

Deegaanka Balafley ayaa degmada Nambar 50 uga beegan dhinaca Bari qiyaas ahaan 3-4 km, waana deegaan ku wanaagsan daaqa iyo xoola dhaqashada, waxaana deegaanka uu ku yaallaa meel deex oo kuleylkeeda uu yaryahay.

Wixii warar ah ee kusoo kordha dib ayaan kasoo sheegi doonnaa.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran