SYL,Gumaysi Ayaa Abuuray! W/Q Maxamed Sharm’arke

Dad badan ayaa ururkan ku sheega inuu ahaa mid Waddani ahaa oo gobonnimadii 1960-kii qayb weyn ku lahaa, balse ururkani waxa uu ahaa mid uu gumeysi aasaasay, una adeegayey danaha gumeysiga.

Ururka SYL waxa la aasaasay 15 May, 1943-kii, waxaana aasaasay dhallinyar ay tiradoodu ahayd 13, iyagoo markii hore u bixiyey magaca SYC (Somali Youth Club), balse bishii Maarij ee sannadkii 1947-kii ayaa magicii ururka loo rogay SYL (Somali Youth League), kuna caan-baxay magaca “Leego” oo af-Taliyaani ah. Taasi waa taariikhda ururka oo aanay la socon waayihii, wacyigii iyo dhacdooyinkii uu la jaanqaadayey soo if-baxa ururukani, balse waa tan taariikhdiisa dhabta ahi.

Bilowgii dagaalkii labaad ee dunida, waxa uu loollan adagi dhulka Soomaalida ku dhex maray labadii gumeyste ee Ingiriiska iyo Taliyaaniga, kuwaas oo kala maamulayey arlada Soomaalilaan iyo arlada Soomaaliya.

Markii hore waxa laga adkaaday oo hilfaha loo laabay dowladdii Ingiriiska ee ka talinaysay dhulka Soomaalilaan, labadii gobol ee Soomaaliya iyo Soomaalilaanna waxa gacanta ku dhigay Taliyaani, taariikhdu markii ay ahayd Maarij 1941-kii, kaasi oo maamulayey muddo lix bilood ah.

Ingiriisku guul-darradaas kuma quusan ee waxa uu soo qaaday dagaal rogaal-celin ah, Bishii Ogos 1941-kii ayuu weerar cir iyo dhul ah ka soo qaaday dhowr goobood oo ay ciidankiisu fadhiyeen, kuwaas oo ay ugu mudnaayeen Kiiniya iyo Yaman, hardan adag kadibna waxa dhulkii Soomaalida gebi ahaanba laga qaaday Taliyaani, sidoo kalena Taliyaaniga waxa laga saaray gobolka Geeska Afrika oo dhan. Sidaas ayaanu Ingiriisku dib ugu qabsaday Soomaalilaan, gacantana ugu dhigay gobollada Koonfureed ee Soomaaliya. Wakhtigaas Ingiriisku waxa uu maamulayey gebi ahaanba dhulka ay Soomaalidu degto, marka laga reebo Jabuuti oo uu Faransiis ka talinayey.

Haddaba Ingiriisku waxa uu isku dayey inuu dajiyo xeelad uu ku sii haysto dhulka baaxaddaas leh, maadaama oo uu ogaa inuu dagaalka kadib Taliyaanigu dood ka dhigan doono in loo soo celiyo dhulkii hore looga qaaday oo ay ku jiraan Soomaaliya (Koonfur) iyo Liibiya, (sababtu waxay ahayd in shacabka Taliyaanigu ka soo hor jeedeen kaligii taliyihii maamulayey dalkaas, ugu dambayntiina iyaga ayaa gacantooda ku dilay, taasina waxay markhaati u ahayd sida aanay shacabku raallida uga ahayn talada hogaamiyahooga Moosaliini).

Haddaba Ingiriis si uu taas u xaqiijiyo, waxa uu abuuray ururukii SYL kaasi oo uu u soo dhiibay mabda’iisa ah in dhulka Soomaalida uu hal maamul ka taliyo (waa halka ay marka dambe ka dhalan doonto aragtida Soomaali-weyn), fikirkaasi ahaa midaynta shanta Soomaaliyeed sax iyo khalad kuu doonaba ha ahaado’e, waxa u riyaaqay Soomaali badan, maadaama oo uu danaha Soomaalida u adeegayey sidii loo arkayey, waxaana ay taasi keentay inuu si degdeg ah u fido.

Ingiriisku waxa uu qaaday tallaabooyin badan oo uu ku dhimayo taageerada ay shacabka Koonfureed u hayeen gumeysigii Taliyaaniga, waxaana ka mid ahayd inuu dalka ka dhoofiyey jaaliyad badan oo asal ahaan ka soo jeedday Taliyaaniga, oo uu Taliyaanigu dhulka koonfureed ku beeray. SYL, waxa ay si wanaagsan u caawisay danaha uu lahaa gumeysigii Ingiriisku, iyaga oo midabka Soomaalida leh.

Si walba ha noqotee ururkan abuuriddiisa iyo hana-qaadkiisaba waxa gacan weyn ka geystay Ingiriiska, maadaama oo uu u adeegayey danahaas Ingiriiska. Ugu dambayntii Taliyaanigu dib ayuu ugu soo noqday Koonfurta isaga oo sita magaca Wasaayadda, waxa uuna tallaabooyin aar-gudasho ah ku sameeyey qaar ka mid ah xubnihii SYL maadaama oo ay Ingiriis taageersanaayeen.

Ugu dambayn, shirqoolkii gumeystayaashu soo dajiyeen ee ay SYL u soo dhiibeen, waxa uu si wacan u muuqday markii ay labadii gobol ee Koonfur iyo Woqooyi midoobeen. Aragtida Soomaali-weynna waxa iska lahaa Ingiriiska, gaar ahaan Wasaaraddii Arrimaha Dibadda ee dowladdaas Ingriiska maadaama oo ay wakhtigaas u adeegaysay danaha ay dowladdaasi ka lahayd dhulka Soomaalida, mana jiro hal qof oo Soomaali ah oo sheegan karaa aragtidaas. SYL ma ay lahayn ee taariikhda yeynaan ku tuman!

U fiirso astaantooda iyo calankoogaba. Calankoogu waxa uu lahaa laba midab oo kala ahaa Buluug iyo Casaan, waxaana ku dhex yaallay shan xiddigood oo xiddig waliba ay shan gees leedahay iyo dayax ay calaamaddii Kiristaanku ku dhex taallo (bal u fiirso dayaxa iyo astaanta ka muuqda sawirka hoose), si loo qariyo calaamaddaasna waxa dhinacyada lagaga qoray xarfaha S.Y.L. Kuwaasina waa astaamihii laga arki karayey muuqaalkooga sare.

Qore: Maxamed Sharm’arke.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE