Wararkii Ugu Dambeeyey Xaaladda Magaalada Marka Iyo Guud Ahaan Gobolka Shabeelada Hoose

Xaaladda guud ee magaalada Marka ee xarunta Gobolka Shabeelada hoose ayaa degan, xilli ay jiraan howlgallo Ciidamada maamulka ay ka sameeyaan xaafadaha qaar ee magaalada.

Iyadoo magaalada Marka howsheeda amni ay la wareegeen Ciidamo cusub oo loogu talagalay inay soo cedliyaan kala dambeynta magaalada iyo xasiloonideeda ayaa ku guuleystey in ay wax badan soo kordhiyaan.

Howlgallo joogta ah oo laga sameeyo goobaha ay ku dhowyihiin Mooryaanta Shabaab  kalkaalka ayaa intooda badan kusoo dhamaada guullo, waxaana sida muuqata uu wax badan iska bedelay xaaladda amaan ee goobaha qaar.

Sida ay ku waramayaan dadka degan xaafadaha qaar ee magaalada Marka ayaa noo sheegay in ay dareemayaan wax xoogaa xasilooni ah, waxaana yaraadey dhawaqa rasaas teel teel aheyd oo xilliyada qaar ay dadku maqli jireen.

Dhinaca kale waxa weli socda dadaal ah in Ciidamada Maamulka Marka ay isku fidiyaan guud ahaan xaafadaha magaalada, islamarkaana ay soo celiyaan qeybta magaalada Marka ay ka maamulaan Mooryaanta Gobolada dhexe iyo Maleeshiyada Alshabaab.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE