Ciidamo Abaabulan Oo Maanta Qalqal Geliyey Xarunta Wasaaradda Gaashaandhiga Ee Magaalada Muqdisho

Ciidamo la sheegay in ay ka gadoodeen mushahar la’aan ayaa maanta waxay la wareegeen xarunta Wasaardda Gaashaandhihgga xukuumadda Soomaaliya, halkaas oo xireen Wadooyinka, waxaana muddo kooban ay xanibeen dhaqdhaqaaqa Wasaaradda.

Sida aan Wararka ku helnay ciidamadan ayaa dhamaan xiray wadooyinka soo gala iyo kuwa ka baxa xarunta Wasaarada Gaashaandhiga, ciidankan ayaana diiday in xarunta Wasaarada la galo ama laga soo baxo sidoo kale la maro laamiga ku dhaw xarunta Wasaarada Gaashaandhiga.

Warar kala duwan ayaa waxay kasoo baxaayaan Ciidamadan qalqalka geliyey Wasaaradda Gaashaadhigga waxaana jira tuhun ah in Ciidamadan ay ahaayeen kuwo abaabulan oo ay soo shaqa geliyeen Saraakiil ka tirsan Waxa loogu yeero Ciidamada xoogga dalka.

Ciidamadan maanta sameeyey Gadoodka ayaa sida la tilmaamay dhamaan ka tirsanaa Qeybta 12-ka Abriiloo taliye uu u yahay Ganaraal Cagey, waxaana ay ka koobanyihiin Guutooyinka Seddaxaad, Afaraad, iyo Shanaad oo ay ku xooganyihiin Beelo kasoo jeeda Shabeelada dhexe iyo Gobalade dhexe.

Waxa tuhun badan uu ka taaganyahay sababta kaliftey in Ciidanka ay ka gadoodaan Mushahar la’aan, iyadoo la ogyahay in dowladihii dalka soo maray qaarkood in mushaharka ay bixin jirin ku dhawaad sagaal bilood.

Inkastoo markii dambe lagu guuleystey in la xakameeyo Ciidankan hadane waa markii labaad oo ay gadood sameeyaan inta ay jirto dowlada Maxamed Cabdulaahi Farmaajo.

Dowlada Soomaaliya iyo Taliska Milatariga ayaan wali ka hadlin gadoodka ay maanta sameeyeen ciidamada, hase ahaatee waxaana weli kala cadeyn cidda abaabulka Ciidankan ku lugta leh, waxaanna tallaabooyinka noocaan oo kale ah ay dhabar jab ku tahay howlgalka la dagaalanka Alshabaab.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE