Gaari Dad Ku Jiirey Wado Mashquul Badan Oo Ku Taalla Magaalada New York Ee Dalka Mareeka (Sawiro)

Mid ka mid ah Wadooyinka mashquulka badan ee ku yaalla Magaalada New York ee dalka Mareekanka ayaa waxa ka dhacay shil ka dib markii gaari la jiirsiiyey dad badan oo wadada maraayey.

Inta la xaqiiyey Gabar 18 sano jir ah ayaa ku geeriyootay shilka halka ay ku dhaawacmeen ilaa 22 qof , ka dib markii wadaha gaariga uu u ku kaxeeyey si xowli ah oo ka badan inta xawaare ee la ogolyahay.

Nin horey uga tirsanaa Ciidamada Mareekanka oo lagu magacaabo Richard Rojas, islamarkaana 26 jir ah ayaa la sheegay inuu waday gaariga waxyeelada geystey, gaariga oo xawli ku socda ayaa markii dambe istaagay kadib markii uu ku dhacay baale wadada dhinaceeda surnaa.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE