Gudoomiyaha Baarlamaanka Fedaraalka Oo Kulan La Qaatay Deeq Bixiyayaal Caalami Ah (Sawiro)

Gudoomiyaha Baarlamaanka Fedaraalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa maanta magaalada Nayroobi ee dalka Kenya kulan kula yeeshay hey’adaha deeq bixiyeyaasha caalamka ee taageera Golaha Baarlamaanada.

Kulanka ayaa Gudoomiye Jawaari Waxa ku wehliyey ku xigeenka labaad ee Baarlamaanka fedaraalka Mahad Cabdalla Cawad iyo Maamulka Baarlamaanka, waxaana halkaas looga hadlay arimo ay ka midyihiin howlaha Baarlamaanka iyo adeegyada ay u baahanyihiin.

Guddoonka Golaha Shacabka waxa ay shirka kusoo bandhigeen qorshaha sharci dejinta iyo kormeerka hay’adaha dowladda 2017-2020 ayadoo qorshahan ay ku wada cad yihiin sharuucda hortebinta u leh Golaha Shacabka iyo shaqooyinka ay qabanayaan guddiyada joogtada ah oo Golaha Shacabka u qaabilsan kormeeridda howlaha Wasaarradaha Xukuumadda.

Nay

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran