Dhageyso Madaxweynaha Hirshabelle Oo War Cusub Kasoo Saaray Maqaamka Goboleedka Banaadir

Madaxweynaha Maamulka Hir-Shabeelle Cali C/laahi Cosoble ayaa waxa uu ka hadlay maqaamka Maamulka Gobolka Banaadir, oo maalmahan arrintiisu ay taagan tahay, isagoo sii shiday qadiyadda muranka badan ee dhismaha Maamul u gaar ah Gobolka Banaadi.

Waxa uu sheegay in ay waajib tahay helitaanka maqaamka uu leeyahay Gobolka Banaadir, taasina looga baahan yahay in cadeyso Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Sidoo kale Waxa uu sheegay in la kala qaadayo Gobolka Banaadir iyo Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho, Gobolka Banaadirna dad gaar ah ay ka soo jeedaan.

Cali C/laahi Cosoble Madaxweynaha Maamulka Hir-Shabeelle ayaa sheegay Gobolka Banaadir in ay ku nool yihiin Saddex Milyan iyo dad ka badan, waxaana meesha uu ka saaray qodobka dastuuuriga ah ee dhigaaya ee laba Gobol iyo ka badan ay sameystaan Maamul.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE