Dowladda Zambiya Oo Kusoo Biirtey Howlgalka Midowga Afrika Ee AMISOM

Mid ka mid ah dowladaha ugu tunka weyn Afrika ayaa ku dhawaaqdey in ay qeyb ka noqoneyso howlgalka Midowga Afika ee AMISOM ee ka socda dalka Soomaaliya.

Dowladda Zambiya ayaa Ciidamo gaaraya 22 Askari oo Boliis ah usoo dirtey Soomaaliya si ay uga qeyb qaataan howlaha Nabad ilaalinta, waxaana askartan ku jira afar Sarkaal oo ka qeyb qaadan doona arimaha lujistikada.

Ciidankan oo la sheegay inay horudhac u yihiin ciidamo kale oo dhawaan la filayo inay Soomaaliya soo gaaraan ayaa waxay soo qaateen tawabar kooban oo ku saabsan la dhaqanka Shacabka Soomaaliyeed iyo sida ay u fulinayaan howlahooda gaarka ah.

Sarkaal u hadlay Boliiska Zambiya ayaa wacad ku maray in ay xirfado u kordhin doonaan Boliiska Soomaaliyeed, waxaana hedidiilo uu ka muujiyey sida ay uga qeyb qaadan karaan dadaalada soo celinta nidaamka dowliga ah.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE