Madaxweyanaha Soomaaliya Oo Maanta Ka Dhoofay Dalka Si Uu Uga Qeyb Galo Shir Madaxeedka Carabta

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Fedaraalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo Iyo Wafti Uu Horkacayo ayaa Goor-dhow Ka Amba Baxay Dalka iyagoo Ku Wajahan  Magaalada Riyadh Ee Dalka Sucuudi Carabiya.

Madaxweynaha Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa ka qeyb gali doona shirka Madaxda Carabta iyo Madaxweynaha Mareykanka Trump shirkaasi oo ah shir sanadkiiba ay mar yeeshaan hogaamiyaasha Islaamka iyo Madaxweynaha Mareykanka ee markaas Talada haaya.

Safarka Madaxweynaha ayaa noqonaya Safarkii 8aad ee uu dalka kaga baxo waxa uuna sidoo kale noqon doonaa safarkii labaad ee uu ku tago dalka sacuudiga.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE