Xiisad U Dhaxeysa Puntland Iyo Galmudug Oo Tagaan Waqooyiga Gobolka Mudug

Wararka ka imaanaya Waqooyiga Gobolka Mudug ayaa sheegaya in halkaas ay ka taagantahay xiisad dagaal oo u dhaxeysa Maamulada ood-wadaagta ah ee Puntland iyo Galmudug.

Xiisadda oo laga yaabo in ay keento gacan ka hadal ayaa waxay ka taagan tahay Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug, ka dib markii halkaas ay ka dhaceen dilal iyo xoolo la kala dhacay, waxaana jira sida wararku sheegayaan dad la dhaawacay.

Deegaan lagu magacaabo Balli Busle ee Waqooyiga Mudug ayaa waxaa hadda laga soo sheegayaa iney ka jirto xiisad dagaal oo Labada dhinac u dhaxeysa, waxaana isku hub uruursanaya Maleeshiyaad Labada dhinac kala taabacsan.

Xiisadaha labada Maamul ee Galmudug iyo Puntland ayaa bilooyinkii lasoo dhaafay ka taagneyd deegaano badan oo ka tirsan Gobolka Mudug.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran