Daawo Siyaasiga Faarax Macallin Oo Shisheeye Kalkaal Ku Tilmaamay Xildhibaanada Madasha Horusocod

Guddoomiye ku xigeenkii hore ee Baarlamaanka Dalka Kenya Faarax Macallin ayaa si adag uga hadlay Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo maalmo ka hor Shir ku yeeshay magaalada Nayroobi, Wuxuuna ku tilmaamay inay yihiin Shisheeye Kalkalaal.

Wuxuu sheegay inay dawladda Kenya arintaasi siwayn uga hor timid, In dalka Soomaaliya looga duulo dalkeeda, Islamarkaana arimo Dawlad nimada kasoo horjeeda laga Abaabulo, Wuxuuna sheegay inaysan Kenya iyaduna Ogolayn in dal kale lagu marti geliyo xubno kasoo Horjeeda Dawladnimadeeda.

Faarax Macalin wuxuu ka hadlay Dalalka Carabta iyo Dhibaatada ay ku yaan Soomaaliya, iyo Safarkii Madaxwayne Farmaajo uu ku tagay qaar kamid ah, Sidoo kale wuxuu ka hadlay Waxyaabaha ay ku dhaqaaqday Dawladda uu Hogaamiyo Madaxwayne Farmaajo iyo siduu u arko.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE